Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu kulan u soo idlaaday Wasiirrada ciyaaraha HirShabeelle iyo Galmudug, saraakiisha amniga Muqdisho.
Kulankaan ayaa looga arinsanayay sidii amaanka Garoonka Bari ka dhici doonto cayaarta loo adkeen lahaa, iyo sidii ciyaarta finalka ah ee xulalka HirShabeelle iyo Galmudug ay nabad ugu qabsoomi laheed.
Shirka kadib inta badan masuuliyiinta ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoo taageerayaasha labada dhinac ka codsaday inay ka fogaadaan wax kasta oo fowdo ku noqon kara ciyaarta ciyaarta berri.
“kasoo baxa guryihiina idinkoo walaala ah baraha baaritaanada idinkoo iswalaashanaya soo gudba garoonkana fariista idinkoo labada Xul ee Hirshabelle iyo Galmudug kala taageeraya, intaas ka badan cidii sameysa qalad ayey gashay, aan ka fogaano walaalayaal wax kasta oo carqalad ku noqon kara ciyaarta berri. Wasiirka Ciyaaraha Hirshabelle ayaa yiri”
Wasiirka Ciyaaraha Galmudug ayaa isna yiri, “Taageerayaasha Galmudug waxaan leeyahay waqti hore soo xaadira Garoonka, wiliba si aan horey loo arag u soo buuxiya, hana la ilaaliyo nimdaamka garoonka oo yaan lagu xadgudbin.”
Sidoo kale Wasiirka amniga Hirshabelle oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaas ka qeyb gashay ayaa yiri, “majirto cadownimo ka dhaxeysa Galmudug iyo Hirshabelle, waana laba maamul oo deris ah, fariimaha taageerayaasha Hirshabelle waan gudbinay shirka waan ka sheegay.”
Office Nairobi Kenya