September 9, 2024

Saldhigga Hashtam Shikari ama “Shikaari Cabaas Baaba” waa mid kamid ah 17 saldhig ee ay leeyihiin ciidamada cirka ee Iiraan.

Ninka loogu magac daray saldhiggan Cabaas Shikaari ayaa ahaa duuliye ciidamada cirka ka tirsan, wuxuna horey u soo noqday taliye kuxigeenka saldhiggan, muddadii u dhaxaysay Noofeembar 1983 kii illaa Ogosto 1987 kii kahor inta aan lagu dilin dagaal kii Ciraaq iyo Iiraan.

Saldhiggan ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee ciidamada cirka ee Iiraan.

Sanad kii 1979 kii waxa daganaa labo guuto oo ciidamada cirka ah, kuwaas oo isticmaalayay diyaaraddaha F-14A, oo loo yaqaano “Tomacats”.

Sanad kii 1980 kii Iiraan waxay isku dayaysay in saldhiggan uu hoy u noqdo diyaaraddaha dagaalka F-16 iyo F-5B.

Hadda saldhiggan waxa uu hoy u yahay guutooyinka ku hubeysan diyaaraddaha F-14 iyo F7, iyo guutada ku tababarata diyaaraddaha FT-7.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply