Mahdi Duco Qabe oo ahaa wiil ay dhashey Wasiiradii hore ee haweenka Xukuumada Somalia marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xalay ku geeriyoodey Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Mahdi oo kubad soo ciyaarey ay si deg deg ah xaaladiisa u xumaatay ka dib markii uu afka ubur ka keenay.
Xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in markii dambe loola cararey isbitaalka Yardemeli ee degmada Xamar jajab halkaasoo ugu dambeyn uu ku geeriyoodey.
Sidoo kale Mahdi duco qabe oo aad looga naxay iyo tacsida loo dirayo ayaa isqabsatay baraha bulshada, waxayna ku soo aadeysaa xili saddex bilood laga joogo geeridii ku timid hooyadiis Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye oo si lama filaan ah ugu xijaabatay dalka Jabuuti ka dib markii uu ku soo booday xanuun deg deg ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho