Waxaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaqshiid lagu dilay nin dhallinyaro ah oo la dhashay taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugida Soomaaliya haddana ah xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Farey.
Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilkan, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in la xiray askar katirsan nabad sugida oo lagu tuhmayo in dilkan ka dambeeyeen.
Qoyska wiilka la dilay ayaana ka codsaday taliska NISA in la cadeeyo cidda ka dambeysaydilka wiilkooda kahor inta aan la duugin, waxa ayna dalbadeen in caddaalada la horkeeno dadkii dilkaasi ka dambeeyay.
Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa ka howlaga ciidamo badan oo dhar-cad ah kana tirsan hay’adda NISA, ciidankan ayaana inta badan wax ka bedelay ammaanka magaalada Muqdisho, oo mararkii hore dilalka ku badnaayeen.
Office Nairobi Kenya