April 30, 2024

Xamza Cabdi Barre ayaa war kasoo saaray xaaladda gobolka Bakool, kadib markii deegaano ka tirsan gobolkaasi ay xoogaga Al-Shabaab ku weerareen ciidanka Liyuu Boolis.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Wuxuu si gaar ah ra’iisul wasaaraha usoo hadal qaaday deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato oo ay xalay saddex jiho ka weerareen xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab oo halkaas kula dagaalamay ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya.

Xamza Cabdi Barre ayaa ballan-qaaday in dowladdu ay jawaab deg-deg ah ka bixin doonto dhibaatada ay geysatay argagixisada, si looga hortego weerarada ay ka fuliso dalka

Leave a Reply