March 23, 2025

Isagoo ka hadlayay Golaha shacabka ayaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka uu faraha kula jiro arrimaha Dastuurka.

Siyaasigan ayaa sheegay in aysan ahayn wax laga sugayay Guddoomiye Madaalle ka hadalka arrimaha wax ka bedelka Dastuurka taas bedelkeedana ay ka sugayeen inuu wax ka qabto xaaladaha gobolka .

‘’ Ma arrimaha Dastuurka ayaa loo dirsatay Guddoomiyaha gobolka muu wax ka qabto arrimaha gobolkan ka jira ‘’ ayuu sheegay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale  waxa hadalkan ka soo jawaab celiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho kaas oo sheegay in Cabdiraxmaan uu diidan yahay horumarka dalka.

Sidoo Waxa uu meel fakaaraha ka difaacday inuu xaq u leeyahay ka hadalka arrimaha Dastuurka maadama ay tahay wax masiiri ah oo loo baahan yahay in laga hadlo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply