Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka baarlamaanka oo uu ku duray in aysan kawar qabin waxyaabaha dalka ka dhacaya iyo heshiisyada muhiimka ah ee ay dowladda Soomaaliya la saxiixaneyso dalalka caalamka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Baarlamanka waxa u yaalla howlo waaweyn, waxaa kamid ah kor joogteynta howlaha xukuumadda oo haatan ay muuqato in ay ka gaabiyeen”.
Xildhibaanka ayaa sheegay in baarlamanka uu aad ugu mashquulay arrinmaha dastuurka isla markaana uusan kudhac u lahayn arrimaha kale ee dalka ka jira isaga oo tusaale usoo qaatay safar uu reysal wasaaraha in muddo ah dalka uga maqanyahay.
“Safarka reysal wasaaraha waxba kalama soconno, waana in la sheegaa marka madaxda dalka ay safar u baxayaan, waajib ayaa baarlamanka ka saran halka uu haatan ku maqanyahay madixii xukuumadda in ay ogaadaan, marka baarlamaanku shaqadiisa ma qabsado”, ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale Waxa uu sheegay in howlihii xukuumadda ay madaxtooyadu heyso isaga oo sheegay in xukuumaddiiba aan la heyn.
Office Nairobi Kenya