Saacadihii lasoo dhaafay waxaa si weyn loo hadal hayay qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya , taa oo shaqada looga joojinayay heshiiska latalinta Samira Gaid ee Mashruuca SJGAB, kaasoo ay maalgeliso Midowga Yurub.
Sababaha haweeneydan looga joojiyay heshiiska latalinta mashruucan Midowga Yurub dhaqaalaha ku bixiyo ayaa lagu sheegay in qoraalo ka dhan ah DFS loona arkay inay khilaafsan yihiin madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada ku baahisay barta (X).
Joojinta heshiiska latalinta ee Samira Gaid Mashruuca SJGAB ayaa waxaa ka horreeyay qoraal hanjabaad ah uu barta X ugu qoray wasiirka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, kaddib markii qoraal ka carreesiiyay wasiirka ay daabacday.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ayaandarro tahay in wasiir katirsan xukuumadda Federaalka uu u hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay.
”Waa ayaandarro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey. Waa sariig la’aan in dadkii shalay ku eedayn jiray rajiimkii ka horreeyey in ay muwaadinka ku bartilmaamsadaan ra’yigiisa, ay maanta falkii oo kale ku kacaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirrada gaboodfalka u geestay gabadha lataliyaha aheyd waxna ka qabtaan falkaasi.
Maamulkii Farmaajo ayaa caan ku ahaa in shaqada ka eryaan dadka kahor yimaada hab-siyaasada maamulkooda, waxaana hadda muuqata dowladda Madaxweyne Xasan oo ay u dhaqmayaan si lamid ah maamulkii Nabad iyo Nolol ayna cadaawad abuuranayaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho