Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya Ahaana wasiirkii Xukuumadii Raisal wasaare kheyre ayaa si aad ah u taageeray wax ka badalka Dastuurka dalka.
“Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxay haddii ALLE idmo gudan doonaan waajibaadkii ugu muhiimsanaa ee baarlamaan Soomaaliyeed taariikhda ku galo, iyagoo u codeyn doona 4 cutub oo ka mida dastuurka dalka,” ayuu yiri Ducaale,
Sidoo kale Wasiirkii hore ee amniga ee xukuumaddii Xasan Cali Kheyre, Ducaale ayaa ugu baaqay mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka inay ku kalsoonaadaan xildhibaannada baarlamaanka ku metela, kuwaas oo go’aanka dastuurka gaari doono.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay inuusan aqoon sida loo qancin karo saddex koox oo uu ula jeeday Farmaajo shekh shariif iyo C/raxmaan C/shakuur, hadlak Ducaale ayaa u muuqda in ay kala tageen asaga iyo kheyre.
Xafiiska Wararka Muqdisho