September 12, 2024

Wararka ka imaanaya magaalada  Hargaysa ayaa sheegaya in Xildhibaanno gaaraya 59 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ay u codeeyeen  meel marinta xeerka doorashooyinka Somaliland, halka 12 mudane ay diideen.

Sida xeerka Golaha uu qabo sidaas ayuu ansax ku yahay xeerka loo codeeyay maanta, waxana shalay isla xeerkan si aqlabiyad ah ugu codeeyay Golaha Guurtida.

Xeerkan ayaa u gudbi doona Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si uu waajibkiisa uga guto una saxiixo.

Sidoo kale Xeerka doorashooyinka isa saaran ee Somaliland ayaa muddaba dood iyo murano badan ka jireen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply