November 12, 2024

 

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu sii socon inta laga helaayo habka mas’uuliyadda tartanka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray xiriirka waxa ay ku cambaareeyay falkii lagula kacay baskii ciyaartoyda xulka kubbadda cagta koonfur galbeed, waxayna ku tilmaameen in uu ahaa mid ka horjeeda xeerka maamulka ciyaaraha.

Warsaxaafadeedka waxaa kalo lagu sheegay in ay muhiim tahay in la helo mas’uuiyad wadareed lagu maamul ciyaaraha.

Sidoo kale Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa qaban qaabiyay wasaaradda ciyaaraha siyaasad ahaan halka farsamada ay lahaayeen xirirka kubada cagta Soomaaliyeed

Dhinaca kale Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa eedayn u Jeediyay maamulka koonfur galbeed oo ay ku sheegeen in cayaartooydii ay ka baxsheen koobka.

 

 

Office Nairobi kenya

Leave a Reply