Waxaa saacadihii 48 saac ee la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal hayay in shaqsi ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya uu ka tirsanaa Ciidamadii Alshabaab ee weerarka ku qaaday Hotel SYL.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa arintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo meesha ka saaray in mid ka mid ah howl-wadeennada baarlamaanka uu ku lug lahaa weerarkaasi ka dhacay hoteel ku yaalla irrida Madaxtooyada Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Jaabiri oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in kaarka aqoonsiga ah ee lagu baahiyay baraha bulshada, lana sheegay inuu leeyahay mid kamid ah raggii weerarkaasi geystay, uu yahay mid been abuur ah.
Sidoo kale Waxa uu sheegay in ninkaasi uusan weligii ka shaqo gelin baarlamaanka, uusan ka tirsaneyn shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya.
.
Xafiiska Warara Muqdisho