Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Suudaan.
Ka dib ku dhawaad hal sano oo uu socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo Xoogaga Taageerada degdega ah, Antonio Guterres ayaa ku booriyay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan colaada inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ee soo socota.
Codsigiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka wada xaajoonayaan qaraar qabyo ah oo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah iyo gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn – kaas oo laga yaabo in codeeyo maanta oo Jimco ah.
BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho