Xubno ka tirsan shaqaalaha markabka ayaa la soo badbaadiyay ka dib markii markab xamuul ah ay waxyeello ka soo gaadhay weerar ka dhacay gacanka Cadan ee Yemen, sida ay sheegtay shirkadda amniga badda ee Ambrey.
Waxay daba socotaa warar sheegaya in qarax uu ka dhacay meel 62 mayl koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Cadan.
Maraakiibta u dhowaa waxay soo sheegeen jug weyn iyo qiiq aad u badan, sida ay sheegtay hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO).
Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta Yemen oo weeraro ku qaada maraakiibta ganacsiga ee aaggaas ayaan weli ka hadlin.
Xafiiska Wararka Muqdisho