September 12, 2025

Arday ayaa lagu xukumay 10 maalmood oo xabsi ah magaalada Moscow ka dib markii uu u beddelay magaca shabakadiisa wi-fi-ga isagoo wata halku dhigyo taageersan Kyiv.

Ardaygii Jaamacadda Gobolka Moscow wuxuu cinwaan uga dhigay shabakadda “Slava Ukraini!” oo macneheedu yahay “Ukrayn ha guuleysato!”.

Maxkamad ku taal Moscow ayaa ku heshay danbi ah inuu soo bandhigay “calaamadaha ururada xagjirka ah” Khamiistii.

Tan iyo bilowgii dagaalka Ruushka ee Ukraine, kumanaan ayaa lagu xukumay xabsi ama ganaaxyo ka dib markii ay dhaleeceeyeen duulaanka ama ay taageereen Ukraine.

Ardayga ayaa lagu xiray subaxnimadii Arbacada magaalada Moscow, ka dib markii sarkaal booliis ah uu ku wargeliyay magaca shabakaddiisa Wifi maamulka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply