March 22, 2026
3b9c2e46-75db-4bbb-be81-d0f3bbeff6bc

 

Gobolka waqooyi Bari ee Kenya waxaa laga hirgaliyay arrin dadka deegaanku ay aad u soo dhaweyeen oo ah ardayda iskuullada sare dhigata oo waxbarashadooda laga taageerayo, taas oo aan horey halkaa uga jirin isla markaana dadku baahi badan u qbaeen.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Faafi ee ismaamulka Gaarissa saalax Yacquub ayaana bixiyay sida uu sheegay dhamaan kharashaadka waxbarashada ee ardayda wax ka dhigta deegan baarlamaaneedkiisa.

Ardayda waxaa laga caawinayaa buugaagta, dharka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah xoojinta waxbarashadooda.

Arrintaan ayaa micnaheedu yahay in ardayda dugsiga sare ee deegaankaas aan looga baahneyn wax kharashaad ah in ay bixiyaan.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply