October 5, 2024

 

Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in Garyaqaanada Soomaalida ee Kenya ay ka horyimideen tallaabo ay Maxkamadda Sare ee Kenya ay dhowaan xayiraad dhanka shaqada ah ugu soo rogtay qareen Axmednaasir Cabdullahi.

Maxkamadda ayaa dhibsatay hadallo uu qareen Axmednaasir uu ka sheegay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha, kuwaas oo ku aadanaa in musuq-maasuq uu ka jiro garsoorka iyo Maxkamadda Sare ee Kenya. Tallaabadan ayaan dood badan ka dhalisay gudaha dalka Kenya.

Sidoo kale maalmo ka hor ayay ahay Markii Xayiraad deg deg ah lagu soo riday qareen Axmednaasir Cabdullahi. Taasi oo muran ka dhalisay dalka Kenya gaar ahaan bara bulshada.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply