April 25, 2025

 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xubnihii  ka tirsan Al-Shabaab ee saacadaha ka dhex dagalamayay Weerarkana ku qaaday  hoteelka SYL oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya la soo gaba gabeeyay Weerarkaas 14 saac kadib.

 

Kooxda ayaa hore u weerartay hoteelka SYL, oo ay caan ku yihiin saraakiisha dowladda, waxa uuna bilaawday Weerarka Xili lagu jiray salaadii Taraawiixda.

Weerarka ayaa la sheegay in uu qaatay saacado si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay mana jirto xog kasoo baxday dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale  mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya qaar ayaa lasoo warinayaa in ay dhaawacyo soo gaaraeen siyaabo kala duwan, sida qoysaskooda ay warbaahinta u sheegeen.

Weerarrada ayaa ku yaraa Muqdisho toddobaadyadii la soo dhaafay kadib markii ammaanka aad loo adkeeyay ayna dowladdu xoojisay dagaalkeeda militari ee ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply