Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah xeer ilaaliye ku xigeenkii hore ee Qaranka ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), kaas oo si weyn uga yimid wax ka beddelka dastuurka.
Garyaqaanka ayaa ku eedeeyay in Farmaajo uu wado kicin dadweyne oo ka dhan ah dowladda, wuxuuna ka digay in fowdo laga abuuro gobolka Banaadir.
Sidoo kale wuxuu sheegay haddii uu wax saxayo Farmaajo inay haboon tahay inuu tego Baarlamaanka, maadaama uu yahay xildhibaan sharafeed ka tirsan Golaha Shacabka.
Xafiiska Wararka Muqdisho