February 15, 2025

62 jir u dhashay Jarmlka ayaa qaatay tallaalka Covid 217 jeer, taas oo ka soo horjeedda talooyinka habboon ee dhakhaatiirta.

Sida uu soo wariyey joornaalka ka faallooda cudurrada faafa ee Lancet oo arrintan la yaabka leh ka soo wariyey, qofkaan ayaa tallaalka qaatay 29 bilood gudahood.

Cilmi-baareyaal ka tirsan jaamacadda Erlangen-Nuremberg ayaa sheegay in ninkani uusan intaas oo dhan wax isbeddel ah dareemin. Dr Killian Schoper oo ah madaxa qaybta jeermisyada ilma-aragtada ah ayaa sheegay in ninkan warkiisa ay ka ogaadeen wargeysyada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply