March 23, 2025

 

Waxaa gooor dhawayd soo idlaaday Dacwadii ay mudo bil ah waday Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ahayd  kiiska ka dhanka ah Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo uur lahayd.

Maxkamada ayaa ugu danbayn ku eedaysay  Sayid Cali Macallin Daa’uud in uu Dilay Luul.waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

Kiiskan oo aad loo sugayay ayaa maxkamadda horay waxay uga soo yeelatay laba fadhi oo dood adag ah, waxaana la horgeeyay marqaatiyeyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda.

Waxaa kale oo ay horay maxkamaddu u  dhageysatay, islamarkaana su’aallo ay waydiisay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku dooday inuu maseyrsanaa xilliga uu gaysanayay falkaasi.

Sidoo kale Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana lala sugayay cadaaladda iyo xukanka ay ridday maanta maxkamadda gobolka Banaadir.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Leave a Reply