Muuse Xaaji, oo ah Aabaha dhalay allaha u raxmade marxuun Cabdinaasir Muuse Xaaji ‘Dahable’ oo ahaa sarkaal ka tirsanaa haya’ada duulista rayidka Soomaaliya, dhawaana maydkiisa laga helay guri ku yaala Muqdisho iyo odoyaal dhaqan oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in maydkiisa la geeyo hargaysa.
Marxuunka oo ilaa hadda si rasmi ah oo loo ogayn sababta dhimashadiisa ayaa Aaabihis ka dalbaday dowlada federalka inay maydiisa loo geeyo si uu ugu samro.
Sidoo kale Soomaliland ayaa dhankeeda war ay soo saartay dilka ku eedeysay dowlada Soomaaliya. Madaxda haya’adda uu ka shaqaynayey ayaa ku tilmamay geeridiisa mid naxdin leh iyo inay waayeen sarkaal muddo ka tirsanaa oo aqoon dheer u lahaa arrimaha duulimaadka.
Xafiiska Wararka Muqdisho