November 12, 2024

 

Ninkan oo madax ka ahaa qaybta beerta xayawaannada ee jaamacada Obafemi Awolowo University (OAU), ayuu dilay libaax ka mid ahaa kuwo u muddo ka badan toban sano xanaanaynayey.

Libaaxa ayaa dilay Olabode Olawuyi, xili uu ku jiray quudintooda sida ay jaamacaddu ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Jaamacaddu waxay intaas ku dartay in saaxibada Olawuyi ay awoodi waayeen inay badbaadiyaan, iyadoo mid ka mid ah libaaxyada uu horay u dhaawacay.

Olawuyi wuxuu xananaynayey libaaxyadan tan iyo markii ay ku dhasheen jaamacada qiyaastii sagaal sano ka hor.

“Laakiin, nasiib darro, libaaxii lab ahaa ayaa dilay ninkii quudin jiray,” ayuu yiri afhayeenka jaamacadda, Abiodun Olarewaju.

Dadka reer Nigeria ayaa baraha bulshada isku weydaarsaday sawirro muuqaal ah oo muujinaya falkii ka dhacay jaamacadda ku taal gobolka Osun ee koonfur-galbeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply