January 25, 2025

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya afduub ay maleeshiyaad hubeysan saacadihii lasoo dhaafay ka gaysteen qaybo kamid gobolka Mudug.

 

Wararka ayaa sheegaya in dableyda fulisay weerarkan ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Bandiiradley, kadibna ay kaxeyteen dad shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaan lagu magacaabo Hiiglo-Ceelle, waxaana ragga hubeysan ay wateen dumar iyo ciyaal yaryar, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale dadka la afduubtay ayaa waxaa ku jirto hooyo umul ah wax ka yar 20 cisho, taas oo la yaab ku noqotay bulshada ku dhaqan halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga gobolka oo ku aadan falkaas, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa afduubkaasi.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply