Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Dhacdadan ayaa timid kadib markii wiil dhalinyaro ah uu tooreey ku dilay adeerkiis qabay hooyadii, taas oo argagax ku noqotay dadka deegaanka.
Dilka adeerka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo xaaskiisa kadibna wiil ay dhashay hooyada uu soo qaatay tooreey, kuna dilay marxuumka.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ninka la dilay uu kamid ahaa ganacsatada wax ku iibisa isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.
Office Nairobi Kenya