Warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegayay in Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed C/casiis lafta-gareen uu la kulmay ninka hogaaminaya odayaasha dhaqanka Qoomiyadda Oromada ee dhawaan safarka ku tageen meelo ka mida Somalia.
Odeygaan Itoobiyaanka ah oo ku soo caan baxay erey duca ahaa kaasoo ah Lafti Nagaa, ayaa la sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed C/casiis lafta-gareen, waxaana arintaas gashaanka u daruuray afhayeenka Maamulkaas.
Afhayeenka Maamulka Koofur-Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim oo BBC-du wax ka weydiisay inuu jiro kulankaan ayaa si weyn u beeniyay warka sheegaya kulan dhexmaray madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo ninkaan la socday wafdiga odayaasha ah ee ka yimid dalka Itoobiya.
Af-hayeenka oo si gaar ah uga hadlayay sawirka ay iskula jiraan Madaxweyne Lafta-gareen iyo Lafti Negaa ayaa ku tilmaamay in uu yahay mid been abuur ah.
Office Nairobi Kenya