![](https://www.somaliglobe.net/wp-content/uploads/2024/01/4073461-1846475052.jpg)
A picture taken from southern Lebanon near the border with Israel shows smoke rising near the northern Israeli Kibbutz of Kfar Giladi on October 30, 2023, after Lebanese shelling amid increasing cross-border tensions. (Photo by AFP)
![](https://www.somaliglobe.net/wp-content/uploads/2024/01/4073461-1846475052-300x200.jpg)
Ururkaa Xisballah oo fadhigoodu yahay dalka Lubnaan ayaa sheegtay in ay fulisay saddex weerar oo ay saacadihii la soo dhaafay oo ka dhacay gudaha Israel, kuwaasi khasaare kala duwan dhaliyay.
Qoraal ka soo baxay Kooxda ayaa lagu sheegay in dhowr madfac ay ku garaaceen deegaannaada Al-Summaqa, Ramtha, Shebaa, Mount Nader iyo saldhig ay ciidamada Israel ku leeyihiin Khirbet Macar.
Sidoo kale, Ururka Xisballah ayaa sheegay in ay weeraradaasi lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Israel oo ku sugnaa goobaha ay duqeeyeen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Israel oo ku aadan weeraradan.
Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay in dagaalka Qaza uu faafo bariga dhexe, isla markaasna ay kooxo iyo dalal kale ku biiraan.
Office Nairobi Kenya