September 12, 2024

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa baahisay 7 maalin kadib wareysi laga sii duubay is-miidaamiyihii fuliyay qarixii ugu horeeyay ee lala beegsaday Hotelka SYL ee 14-ka bishan Maarso 2024.

Is-miidaamiyaha ayaa magaciisa ku sheegay Xasan Maxamed Maxamuud, kaasi oo ka mid ahaa kooxda is-miidaamiyeyaash Al-Shabaab, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Ceyr ee Habar-gidir, waxayna isku beel yihiin agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Wareysiga laga sii duubay is-miidaamiyaha ayaa lagu sheegay inuu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadkii 2004, wuxuuna ahaa 20 sano jir, isagoo ka mid ahaa ciidamada Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Mudug.

Sidoo kale Wax faafhaahin ah lagama bixin weerarka Al-Shabaab ku qaaday Hotel SYL, balse Al-Shabaab ayaa sheegtay in gaari qaraxyo ka buuxaan uu ninkan ku daah-furay weerarka Hotel SYL.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Leave a Reply