September 12, 2024

Rose Amankwaah ayaa mar loogu magacdaray ‘haweeneyda ugu dheereeysa Afrika’, waxayna dib u milicsaneeysaa maalmaheedii ay matali jirtay Ghana iyo howsheedii kalkaalisnimo ee adeegga dadweyne oo ay kasoo shaqeyneysay 50 sano

Hadda waa 72 jir, waa kalkaalisada ugu wakhtiga dheer ee ka shaqaynaysay cisbitaalka London Central Middlesex, laakiin waxay ka fariisan doontaa shaqada dhamaadka bisha.

Waxay heshay aqoonsi adeeggeeda ah, haddana waxay jebisay rikoor ka hor inta aanay shaqadeeda kalkaalisanimo bilaaban 1975kii.

“Waxaan ahaa haweeneyda labaad ee ugu orodka badan Afrika, waxaan ku qaatay lacag 100 mitir ciyaarihii All Africa Games ee Nigeria [1973],” Amankwaah ayaa sdiaasi u sheegtay barnaamijka ispoortiga ee BBC .

“Waxaan sidoo kale ku guuleystay dahab gudaha Mexico ciyaarihii Afro-Latin American Games sanadkaas iyo billad naxaas ah oo ciyaaraha Barwaaqo-sooranka ah ee New Zealand 1974-kii.

“Taasina weligeedba way jiri doontaa. Google, meel kasta oo aad k agasho , magacaygu, halkaasuu ayuu ahaan doonaa” Ayeey tiri Rose Amankwaah.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply