Wararka ka imaanaya magaalada Jilib ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Alshabaab ay goob fagaare ah ku toogatay shalay 7 dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed.
Ragga la toogtay oo da’doodu u dhaxaysay 19 sano illaa 55 sano ayaa maxkamadda xukunka ku riday waxa ay sheegtay in afar kamid ah ay ka tirsanaayeen sirdoonka dalka Kenya, halka mid kalena ay sheegtay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, Labada kale ayay sheegtay in ay ka tirsanaayeen ciidanka Soomaaliya.
Sidoo kale Alshabaab ayaa caado u ah in ay toogtaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaga oo ku sheega markaas in ay yihiin basaasiin u shaqeeya waxa ay ugu yeeraan Dowlada Murtidka.
Dhinaca kale Ma jirin qareenno iyo cid difaacaysay kooxda la soo eedeeyay ee markii dambe fagaaraha lagu toogtay, iyadoo boqollaal qof ay daawanayeen.
Office Nairobi Kenya