December 6, 2024

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laba sano ka hor lagu qabtay dagaal ay ku qaadeen dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya labo sano ilaa iyo xabsi daa’in ah.

Xukunka xabsiga ah ayaa lagu riday 41 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay dileen 265 qof, halka dhaawacana lagu sheegay in ay gaarsiyeen 323 xubnood oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo dad kale oo shacab ahaa oo ay six un u dhawaacen, sida ay sheegtay dawladda Itoobiya.

Sida laga soo xigtay dawladda Itoobiya, xubnaha la maxkamadeeyay ee Shabaabka ah ayaa waxaa ku jira hugaamiyeyaal.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay in raggaan ay qaateen laba baabuur, 470 neef oo ari ah iyo 119 neef oo geel ah.

Sida lagu sheegay dacwadda raggaan ayaa sannadkii 2012-kii intooda badan billaabay ka mid noqdashada ururka Al-shabaab ee Soomaaliya, kuwaasoo xiriir la leh Al-Qaacida, dunidana looga aqoonsan yahay urur argagixiso.

Sidoo kale Dawladd Itoobiya  waxay sheegtay in ay ka war heshay in ragaan loo soo diray in ay argagax galiyaan deegano ay ka mid yihiin, degmooyinka Bareey, Godigood, Kohle, Xardur iyo Hargeele oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida iyo sidoo kale deegaano ay ka midyihiin Cadaadleey, Mustaxiil iyo Feerfeer oo ku yaalla aagga gobolka Shebeele.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply