October 5, 2024

Wararka ka imaanaya saakay xaafadda Islii ee magalada Nairobi oo ay Somalida dagto ayaa sheegaya in ay xiran yihiin  Dukaamada lagu iibiyo cuntooyinka ee xaafadda Islii.

Dukaamada lagu iibiyo  Raashinka ee ku yaala xaafada islii ee kaamakuuji ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa baaritaano iyo culees ku hayay Ciidamada Dowlada hoose, kuwaas oo ka baaraya caano laga keeno Somaliya sida budada ah ee loo yaqaanno Caano-booro  kuwaas oo mamnuuc ka ah dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada bartilmaameedsanayaan dukaamada lagu iibiyo caanaha budada ah ee loo yaqaanno Caano-booro oo ay ku sheegeen in shaci darro ay ku tahay ganacsatada kenya.

Sidoo kale waxaa xiran saakay dhaman Dukaamadaas waxayna Milkiilayaasha Dukaamada iskugu tageen wadada 4-ka oo ay kula hadlayaan saxaafada, waxaana halkaas lagu wadaa in uu soo gaaraan xildhibaanka degmada Kamakunji laga soo doorto ee Yuusuf Xasan Cabdi.

Maalmo ka hor  ayay ahayd Markii ciidamada Kenya ay howgallo lagu beegsaday baqaarayo  dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ka sameeyay xaafada  , kuwaas oo rartay Boqolaal gasac oo ah Caano-booro, xirayna qaar ka mid ah shaqaalihii halkaas joogay kadib markii ay isku gacan qaadeen Ciidamadii ka socday Dowlada Hoose iyo shaqaalaha..

.

Dhinaca Ciidamadu waxay sheegeen in dukaamada iyo goobaha kale ee ay howlgallada ka sameeyeen lagu iibiyo waxyaabo sharci darro ah oo caano-booruhu ka mid yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply