Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil loogu geestay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe sadax wiil oo walaalo ah oo isku meel ku sugnaa.
Wararka ayaa waxay intaas kudarayaan in ganacsatada lagu laayay degmada Mahadaay ay ahaayeen saddex nin oo walaalo ahaa waxaana lagu dilay deegaanka diin-laawe degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Dhanka kale, dadka deegaanka oo aan lahadalnay ayaa inoo sheegay in dilka kahor deegaanka soo weerareen Al-Shabaab iyagoona weeraray saldhig ay kusugnaayeen ciidamada deegaanka ee Macwiisleyda.
Weerarka kadib ciidanka deegaanka ayaa waxaa ay toogasho kudileen saddex nin oo ganacsato ahaa kuwaas oo ay sheegeen in ay jaajuus u ahaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale Deegaanka Diin-laawe ayaa haatan waxaa kataagan xaalad aan wanaagsaneen, iyadoona halkaas laga deeramayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Xafiiska Wararka Muqdisho