December 4, 2024

Maraykanka ayaa ku hanjabay in uu diidi doono qaraar qabyo ah oo cusub kaas oo Golaha Amaanku doonayo in uu ku meel mariyo “xabad joojin degdeg ah oo bini’aadanimo” Marinka Qasa, kaddib markii wadanka Aljeeriya uu codsaday in loo codeeyo qaraarkan maalinta salaasada ah ee soo socota.

Aljeeriya ayaa bilowday la tashiyada xubnaha Golaha, arinta ku saabsan qaraarka qabyada ah ee ku baaqaya in la sameeyo xabad joojin bini’aadanimo oo ka dhaqan gasha Marinka Qasa, iyadoo lagu saleynayo go’aan kii Maxakmadda Caddaalada Aduunka ay soo saartay bishii Janaayo.

Qaraarka qabyada ah ayaa sidoo kale diidaya “barakicinta qasabka ah ee lagu hayo shacabka Falatiiniyiinta” wuxuna ku baaqayaa in la joojiyo “ku xadgudubka sharciga caalamiga ah, iyo sii deynta dhammaan la haystayaasha.”

Qaraarkan qabyada ah ayaan cambaarayn weerarkii Xamaas ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo ay si adag u cambaareeyeen Israa’iil iyo Maraykanku.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply