Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka al-shabaab ay saakay weerar ku qaadeen   deegaanka Caada oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in shabaab ay ku qaadeen halkaas weerar ku bilaawday Qaraxyo, waxana ka bilawday  dagaal xooggan oo u dhaxeeya  ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaan iyo al-Shabaab oo dhinac ah.

Sidoo kale Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday saaka waabirigii hore kadib markii meel ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku soo qaadeen Shabaab.

Office Nairobi kenyya

Leave a Reply