Wararka ka imanaya Xarunta baarlamaanka Somaliya ayaa sheegaya in Xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeelyihiin xarunta Golaha shacabka.

Kulankan oo ah mid aad u wayn ayaa la sheegayaa in la  adkeeyay amniga hareeraha xarunta Golaha shacabka ee uu ka dhacayo kulanka oo ah mid aad xasaasi u ah oo isha lagu hayo.

Sidoo kale Fariin shalay loo diray xildhibaanada ayaa waxaa loogu sheegay iney deg deg isaga soo xaadiriyaan kulanka maanta oo ah mid si aad ah isha loogu wada hayo.

Xildhibaano badan ayaa durba gaaray xarunta KMG ee golaha shacabka ku shiraan, waxaana la filayaa in goordhaw kulanka wadajirka ee xildhibaanada labada Aqal uu si rasmi ah u furmo.

 

Office Nairobi kenyya

Leave a Reply