Waxaa magaalada Muqdisho caawa aad loo adkeeyay amaanka, waxaana il gaar ah Ciidamada amaanka ku hayaan isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in Wadooyinka lagu arkayo Ciidamo, waxaana la baarayaa gaadiidka waxaana Ciidamada amaanka ay yihiin kuwa si xushmad leh kula hadlaya dadka wata gaadiidka iyo bulshada saaran.

Sidoo kale xaalada muqdisho ayaa dagan kadib markii maalmo badan uu muran ka taagnaa ansixinta Dastuurka, oo maanta baarlamaanka Soomnaaliya ay ku  ansixiyeen cod aqlabiyad leh.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply