Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuusan dooneyn dagaal uu la galo Iran. Hadalkan oo ku soo beegmay xilli madaxweyne Biden uu wacad ku maray in Mareykanku ka jawaabayo weerar loo adeegsaday dayuurad Drone ah oo dalka Jordan ku dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Weerarkaas ayey Washington ku eedeysay maleeshiyo ay Iran taageerto.

sidoo kale Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Aqalka Cad inuu weerarkaasi ka jawaabo, taasi oo ay u egtahay in xaaladda un sii murjiso, ayna sii fidiso colaadda u dhaxeysa Israel iyo Xamaas ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku qaaday Israel.

 

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply