September 12, 2024

.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  in askari ka tirsan Ciidanka Dowlada uu saakay qof ku dilay isgosya Siinaay ee Degmada Warta Nabada.

Dilkan ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Isgoyska Siinaay  degmada wartanabadda  ee gobolka Banaadir.

Dadwayne aad ka caraysan dilka wiilka dhallinyarada ah ayaa isugu soo baxay Isgoyska halkaas oo ay ku  muujinayaan sida ay ugu xun yihiin dilka

Sidoo kale Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadwayne ka soo horjeeda maamulka gobolka Banaadir ay isugu soo baxeen Isgoyska Siinaay laakiin dilka ka dib ayaa la sheegayaa in dadku ay bilaabeen in cadaalad u raadiyaan wiilka la toogtay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa ka jira dilal qaarkood ay gaysanayaan askar ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply