September 12, 2024

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya ay si bareer ah ugu xad-gudubtay Dalka isla markaana meel ay iska dhigtay Shuruucda Caalamiga ah si ay u gaarto damaceeda gurracan ee Badda ay ku raadinayso.

Tallaabada Xukuumadda Abiy Ahmed ay ku shaacisay heshiiskii dhaawaca ku ahaa wadajirka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Saalax Axmed Jaamac ku sifeeyay mid bogga madoow u galay Dowladda Itoobiya.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu shaaciyay in ay qaadday tallaabooyin dhowr ah oo ay uga dhiidhinayso damacaas gurracan si Itoobiya looga hor istaago qorshaha xiga oo ay samayn karto kaddib markii 1dii Janaayo 2024 ay soo bandhigtay heshiiska ay galashay Somaliland.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply