December 4, 2024

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil maanta loo geystay askari katirsan ciidanka dowladda, askarigan ayaana waxaa lagu dilay Xaafada Haanta dheer ee degmada Deyniile.

Sidoo kale, dilka waxaa geystay askari katirsan ciidanka dowladda, kadib markii uu labadan askari dhexmaray muran sidaasina lagu dilay askariga kale.

Dhanka kale, qaar kamid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegeen “Waxaan aragnay nin askari ah iyo niman kale oo 4 askari ah oo murmaayo, kadib is afgaranwaayay ka bacdi madaxa ayay xabad uga dhufteen, mooto ayayba raaceen”

Sidoo kale Wararka waxa ay intaas kudarayaan in askariga ladilay uu marka hore soo gaaray dhaawac wuxuuna waayay wax qaado kadibna meesha uu kunaf baxay.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply