Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax kadhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaana deegaanka Ceelasha Biyaha kaas oo geystay khasaara farabadan sida lasoo warinaayo.
dadka deegaanka ah ayaa Kaabsomali Tv usheegay in qaraxa uu ahaa nooca miinada dhulka aaso, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo xiligaas maraayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan waxa ayna sheegtay in ay kudishay labo askari oo kuwa dowladda ah halka laba kalana ay kudhaaweceen sida ay shegeen.
Sidoo kale Majiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda oo ku aadan qaraxaas, lamana xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab oo ah iney weerarkaasi ay iyaga geysteen.
Office Nairobi Kenya