September 12, 2024

 

Ciidanka howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ayaa sheegay in  si guul ah kusoo gaba gabeeyeen qorshaha dhimista wijiga labaad ee ciidanka ATMIS ee ka howlgala gudaha Somalia.

Sidoo kale, Ciidanka ATMIS ayaa sheegay iney kabexeen toddobo saldhig eyna kuwareejiyeen ciidanka xoogga dalka Somalia.

warsaxaafadeed ey soo saareen ciidanka ATMIS ayey ku sheegeen in wijiga labaad ee qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee gudaha Somalia looga saarayo ilaa 3000 kun oo askari ah kuwaas oo kabaxay saldhigo badan oo ay kulahaayeen gobolada dalka iyo Muqdisho.

Sidoo kale Madaxa Guddiga Midowga Africa Alhadji Sarjoh Bah, ayaa soo gaba-gabeeyay booqasho shaqo oo uu kujoogay gudaha Somalia, isagoona hoggaaminaayay wafdi kasocday waaxda Siyaasada iyo Nabadda oo uu kamid ahaa madax cusub ee loo magacaabay General Cheick Dembele.

 

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply