Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka fuliyay degaano dhaca bariga gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.
Warartka ayaa sheegaya in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan ayna ciidamada ka sameyeen deegnada kala ah Bacadka Digireed, Joqofoow, Dahar Faqay, Cali Yabaal, Isgooska Xeydoow, Galka Dhaaleey, Xaaji dhagax, Maraayga Sodonka, halkaa oo khasaaro lagu gaarsiiyay Shabaabka.
Sareeye Gaas Cali Caraaye Cosoble Gacma Dulle, ayaa tilmaamay oo kamid ahaa sarakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay uu u dhacay howlgalka.
Sidoo kale Howlgalada intii ay socdeen ayuu sheegay Sareeye Gaas Cali Caraaye Cosoble Gacma Dulle in ay burburiyeen fariisimo dagaalamayaasha ay ku lahaayen deegaanadaasi sidoo kale Ciidmada ayaa soo furtay Agabyo milatari, waa sida hadalka u dhigeen saraakiil u hadlay Taliska ciidanka xoogga.
Office Nairobi Kenya