Baarlamaanka isku dhafka ah ee labada gole Soomaaliya ayaa loo qaybiyey nuqulkii ugu dambeeyay ee soojeedinta wax kabaddalka dastuurka kadib markii lagusoo daray soo jeedinnadii xildhibaannada sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga lasocodka dib u eegista dastuurka ee BFS Xildhibaan Xuseen Iidow oo kulanka kadib waraysi siiyey BBC-da.
Sidoo kale Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in qodobka afraad oo su’aalo ku jireen laga heshiiyey waxna laga baddalay soo jeedintii hore ee ahayd in dalku yeeshu laba xisbi oo kaliya iyo madaxweyne ku xigeen, halka laga dhigay raysal wasaare madaxweynuhu soo magacaaabo xilkana ka qaadi karo haddi ay isla shaqayn waayaan iyo xisbiyada oo illaa saddex la gaarsiiyey.
Xafiiska Wararka Muqdisho