April 27, 2024

Majaajiliistaha caanka ah ee reer Kenya Nasra Yuusuf ayaa la kulantayy dhaleecayn kadib markii ay baahisay muuqaal majaajillo ah oo ay ku muujinayso ragga Soomaalida iyo xilliga afurka.

Muuqaalkan oo u muuqda mid muujinaya in ragga Muslimiinta ah ay caadiyan ku qancaan galmada ka hor inta aysan bilaabin hawlo kale xilliga afurka, ayaa waxaa uu la kulmay jeesjees iyo cadho badan oo kaga timid inta badan taageerayaasheeda – kuwaas oo u badan Muslimiin.

Muuqaalkan oo soconaya hal daqiiqo ayaa waxaa lagu arkayaa Nasra oo ku jileysa doorka nin Muslim ah kunasoo labisatay dharka odayaasha Soomaalida, sida macawis shaati iyo koofiyad gacantana ku haysata bakoorad oo ku fadhida sariirta iyadoo ‘xaaskeedu’ ay u adeegeyso una keenta macmacaan afur ah.

Islaantii guriga joogtay ayaa ninkeeda waydiisay waxa uu u baahan yahay, Nasra oo ah ninka halkan jooga, ayaa ku leh ‘xaaska’ iyada oo gadaal ka eegaysa kadibna qoolo u bodogid ah qoslaysa.

“kaalay aan ku tuso waxa aan ku bilaabayo [afurka]” ayey leedahay nasra oo odaygii iska dhigaysa kadibna haweenayda ayaa dhinac u dhaqaaqaysa, Nasrana waxay leedahay “dhankaas ma aha soo bax qolka sariirta ayaan ku tusiye”.

Dabadeed waxay sii waddaa in ay naagtii soo geliso qolka jiifka wax u muuqda kulan galmo ka hor inta aanay labadooduba soo bixin taas oo uu ninku kusoo qancay.

Si kastaba ha ahatee dadka ka xanaaqay muuqaalkan ayaa xusay laba wax oo aysan u bogin oo ku aaddan muuqaalka. Kan kowaad waa in aysan dadku ku qancin sida ay u dhigtay in ragga Soomaalidu ama muslimiintu sidaas u dhaqmaan, tan labaadna in ay aysan bannaanayn in qof dumar ahi rag iska sida ragga u labisto.

Nasra oo muuqaallo dhowr ah kala ciwaanna duwan kusoo samaysay oday Soomali ahaan ayaan u jixinjixin dhaleecaynta waxayna u sheegtay in ay majaajileyste ay ku qanacsan yihiin ka xushaan majaajileystayaasha badan ee dalka Kenya haddiii aysan ku qanacsanayn kaftannadeeda.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply