December 6, 2024

Madaxa bangiga ganacsiga ee ugu wayn Itoobiya ayaa sheegay in macaamiishii ka faa’iidaysatay cilad farsamo ee kala baxay bangiga lacag ka badan intii ay ku haysteen akoonadooda ay sharciga la tiigsan doonaan hadii aan dhaqaalahaasi dib loo soo celin dhamaadka todobaadkan.

Abe Sano ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah macaamiishii sidaan sameeyay ay ahaayeen arday jaamacadeed. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin tuugo, wuxuuna sheegay in magacyadooda ay u gudbin doonaan booliska haddii ay sii haystaan lacagtaaas.

Baanka ganacsiga ee Itoobiya ayaa sheegay in warbaahinta maxaliga ahi ay aad u buunbuunisay dhibaatada baaxadda leh, markii ay sheegeen in tobanaan milyan oo dollar lagala baxay ama la wareejiyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply