November 9, 2024

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo barakac xoogan, kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab ay halkaas dib u qabsadeen.

 

In ka badan saddex kun oo qoys ayaa isaga barakacay degaanada Bacaadweyne, Xinlabi, Caad iyo Camaara, ka dib markii dhawaan degaanadaasi ay dib u qabsadeen kooxda Alshabaaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa toban-kii Maarso ee 2024, bilaabay inay ka baxaan goobahaas, taasoo keentay inay ka barakacaan dad badan oo ka baqaya weeraro aargoosi ah oo kaga yimaada Al-Shabaab.

Sidoo kale Qoysaskan ayaa u barakacay magaalada Gaalkacyo, Mirjicley, Wisil, iyo Bajeela. Inta badan dadkaan barakacay ayaa waxay ahaayeen dad nugul, oo ay ku jiraan waayeel, carruur, haween, iyo dad baahiyo gaar ah qaba, kuwaas oo galay safarro halis ah oo lug ah, si ay u helaan badbaado iyo gabaad.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply