February 11, 2025

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale  Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply