Beijing ayaa sheegtay in lagu booriyay mas’uuliyiinta Mexico inay kordhiyaan dadaallada lagu baarayo dhimashada siddeed qof oo Shiinees ah oo ku dhintay musiibadii doonidii muhaajiriinta.
Meydadka todobo dumar ah iyo hal nin ayaa Jimcihii laga helay xeebta gobolka Oaxaca. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha (Wang Wenbin) ayaa sheegay in dowladda ay si dhow ula shaqeyneyso Mexico si loo ogaado dhibanayaasha goobaha ay kala jeedaan.
Tirada muhaajiriinta Shiineeska ah ee sida sharci darrada ah ugu gudbaya Mareykanka, kana imaanaya Mexico ayaa sare u kacday sanadihii ugu dambeeyay. In ka badan soddon iyo toddobo kun ayaa lagu xiray xadka sannadkii hore.
Xafiiska Wararka Muqdisho